Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Intii uu socday kulanka, waxaa si aqlabiyad leh loo ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Machadka Sare ee Arrimaha Sharciga iyo Hindise-Sharciyeedka Sharciga Badqabka Caanaha, kuwaas oo muhiim u ah tayeynta adeegyada bulshada iyo xoojinta nidaamka sharciga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Wasiirrada kaalintooda ku aaddan horumarinta hay’adaha dowladda iyo hirgelinta sharciyo casri ah oo waafaqsan baahida shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixino la xiriira:
- Dib-u-habeynta maamulka maaliyadda iyo kororka dakhliga gudaha
- Amniga caasimadda Muqdisho, gaar ahaan fulinta xeerka cusub ee Xakamaynta Hubka
- Qodobo kale oo muhiim u ah dowlad-dhiska, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo hormarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Goluhu wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo sii amba-qaado dadaallada xasilloonida, cadaaladda iyo horumarka dalka.




