Heshiis Qarsoodi ah oo u Dhexeeya Sweden iyo Soomaaliya oo lala xiriiriyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

0

Dowladda Sweden ayaa heshiis qarsoodi ah la gashay dowladda Soomaaliya, iyadoo ku wareejisay 100 milyan karoon oo laga jaray miisaaniyadda gargaarka, lana geeyay mashaariic ay ka mid yihiin kuwa si dhow ula xiriira Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sida lagu daabacay warbaahinta Ekot.

 

Soomaaliya, dhankeeda, waxay aqbashay in dalka dib loogu soo celiyo muwaadiniinteeda sida khasab ah looga soo tarxiilo dalka Sweden.

“Khatarta musuq maasuqa waa mid si cad noo hor taagan anaga oo muddo dheer ka shaqaynayay arrimahan,” ayay tiri Wiilo Cabdulle Cismaan, oo sanad badan ka shaqeyneysay arrimaha dib-u-celinta muhaajiriinta ee Soomaaliya.

Heshiiska waxaa la saxiixay bisha December 2023. Tan iyo markaas, waxaa kordhisay tarxiilka khasabka ah, waxaana sanadkii la soo dhaafay dalka Sweden laga soo tarxiilay 28 qof, sida uu sheegay booliska Sweden.

Ilo xog-ogaal ah oo ka kala socda labada dal ayaa u sheegay warbaahinta Ekot in dowladda Soomaaliya ay ku adkaysatay in gargaarka Sweden ay maamulaan dad ku dhow xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si ay saameyn ballaaran ugu yeeshaan– taas oo ka duwan hanaanka loo qeybiyo gargaarka.

Ekot waxay heshay caddaymo muujinaya in Sweden ay si firfircoon uga shaqeysay sidii loo fulin lahaa dalabkaas. Sidoo kale waxaa muuqata in labada dhinacba ay doonayeen in heshiiska la qariyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here