Wasiirka Kalluumeysiga oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

0

Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Mr. Hideki Matsunaga, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

 

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarka laga sameeyay Mashruuca Badmaal, oo ah mashruuc lagu horumarinayo kaabayaasha kalluumeysiga, dib-u-habeynta shuruucda kalluumeysiga, iyo sidoo kale kor u qaadista awoodda dhalinyarada iyo haweenka ka shaqeeya kalluumeysiga gudaha dalka.

Mudadii uu mashruucu ka socday dalka, gaar ahaan sanadkii la soo dhaafay, waxa uu sameeyay horumar muuqda oo si toos ah ugu faa’iiday bulshada kalluumeysatada Soomaaliyeed, taasoo dhiirrigelisay sii wadidda dadaallada horumarineed ee la xiriira dhaqaalaha badda.

Wasiir Axmed iyo Mr. Hideki Matsunaga ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Bangiga Adduunka, si loo dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo ilaha dhaqaale ee badda iyo taageerada loo fidinayo bulshada xeebaha ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here