Qoysas Soomaaliyeed oo kasoo barackay deegaannada ay ka arrimayaan Al-Shabaab ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay haystaan xaalado bani’aadanimo iyo kuwa ammaan darri oo ay uga soo tageen deegaankooda.
Dadkan oo ka kala yimid meelo kala duwan ayaa tegay xarumaha hay’daha amniga, si ay dhibtooda ugu sheegtaan, maadaama ay soo maciin bideen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo haatan dalka ka wadda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo kaashaneyno ciidamada shisheeye ee nabad ilaainta u jooga Soomaaliya.
Wariyaha Shabelle Hassan Kafi Hajji Mohamed oo u kuurgalay xaaladda dadkan oo isugu jiro haween iyo rag ayaa qaar kamid ah ku wareystay saldhigga degmada Hodan oo la’isugu geeyay, halkaas oo kusoo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga ee dowladda.
Cismaan Axmed Maxamed ayaa kamid ah dadka kasoo cararay Al-Shabaab, wuxuuna innooga warramay xaaladda haysata iyo sababta ku kaliftay inuu soo gaaro Muqdisho
Waxa uu sheegay Cismaan in maleeshiyaadka kooxda ay dhibaato ugu gaysteen deegaankii uu ku noolaa ee Hilowle Gaab oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay in uu ka dhaqan waayay xoolihiisa oo Geel u badnaa, sidoo Kalena uu tacban waayay beertiisa, kadib markii lagu xujeeyay lacago ay kooxda kusoo rogtay, laguna sheegay Zakawaat iyo kuwa kale oo baad ah, isaga oo sheegay in markii uu bixin waayay lacagtaas dil loogu hanjabay, sidaasna uu kusoo baxsaday.
“Anigu dowladda iyo dadkeyga ayaa u imid, waxaana u baahanahay in la’ii caawiyo, si aan u helo shaqo iyo meel aan ku noolaado, sababtoo gurigeyga iyo xoolahgeyga Al-Shabaab ayaan uga soo cararay haddii kale way i dili lahaayeen, maadaama lacagtii ay iga rabeen aan bixin waayay” ayuu yiri Cismaan Axmed Maxamed oo kamid ah dadka soo barakacay.

Sidoo kale, waxaa Idaacadda Shabelle la hadashay Muna Sharif Ali oo Iyana ku sugneyd gudaha saldhigga, waxa ay nala wadaagtay qisadeeda xanuunka badan iyo imaashaheeda caasimada.
Muna oo ah hooyo Soomaaliyeed oo dhiban ayaa sheegtay in ay ka timid deegaanka Habaraawe oo ka tirsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, iyada oo kasoo carartay caruurteedii iyo qoyskeedii, kadib markii ay xabsiga dhigeen dagaalyahannada Al-Shabaab ee gacanta ku haya deegaanka ay ku nooleyd oo ay haatan kasoo hayaantay, iyadoo raadineysa nolol iyo amni buuxa.
Hooyadan oo daruuf adag ay ka muuqato ayaa sheegtay in intii u xirneyd kooxda la jir-dilay, balse nasiib wanaag waxaa ugu dambeyn u suuragashay inay kasoo baxsato xabsiga, iyadoo safar dheer oo dhib badan kadib soo gaartay gudaha magaalada Muqdisho.
Sababta loo haysto Muna ayaa ah in walaalkeed ka yar ay kasoo fakisay kooxda, kadib markii ay ka caawisay inuu soo goosto, soona aado dhinaca dowladda, nasiib xumase kooxda ayaa ka war heshay in cidda u fududeysay baxsashadiisa ay tahay Muna, sidaas ayayna dhibane ugu noqotay Al-Shabaab.
Intaas kuma ekan dhibaatada waxaana Muna Sharif Cali ay kooxda kusoo oogtay dacwo culus, iyada dusha loo saaray in dad badan ay kala shaqeysay inay ka baxsadaan Al-Shabaab, sidaasna loogu xukumay dil toogasho ah, sida ay ku sheegtay wareysiga aan kula yeelanay saldhigga degmada Hodan.
“Walaalow maalmo adag oo mugdi ah iyo xabsi ayaan soo maray, waxay ila rabeen nimankaas inay i dilaan, laakiin hadda waa soo badbaaday, waxaana ku hoos jiraa dowladdeyda oo aan rajeynayo inay wax i qabato” ayay tiri Muna.

Al-Shabaab oo ah koox mayal adag ayaa si aad ah u xakameysa dadka ku nool deegaannada ay gacanta ku hayso, halkaas oo sidoo kale ay ka jiraan daruufo nololeed oo ay wajahayaan dadka shacabka ah, maadaama aysan kooxda u ogoleyn in ay u dhaq-dhaqaaqaan si xor ah.




