Baaqyo Loo Jeedinayo Madaxweyne Xasan Sheekh Kadib Fashilkii Wadahadalladii Jubaland

0

Muqdisho – Tan iyo markii ay fashil kusoo dhammaadeen wadahadalladii dhowaan u socday Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa isa soo taraya baaqyada waxgaradka iyo siyaasiyiinta dalka oo ku wajahan Madaxweynaha Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Daahir Xaashi, oo ka mid ah waxgaradka magaalada Muqdisho, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda Shabelle ku muujiyey walaac xoogan oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka uu wajahayo.

Wuxuu sheegay in wararka uu ka maqlayo gudaha magaalada ay yihiin kuwo aan wanaagsanayn, isagoo xusay in Madaxweynaha uu u muuqdo mid doonaya in uu sii joogo Villa Soomaaliya, xilli xiriirka uu lumo ama burburo mid ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

“Maaha war wanaagsan in aan maqlo Madaxweynaha oo doonaya in uu talada sii haysto, isagoo aan dhax-dhigin wadashaqeyn dhab ah oo lala yeesho maamulada dalka,” ayuu yiri Daahir Xaashi.

Wuxuu si toos ah ugu baaqay Madaxweynaha in uu ka laabto damaciisa siyaasadeed, isla markaana uu dib ugu soo laabto miiska wadahadalka, si loo helo wadashaqeyn iyo is afgarad dhexmara Dowladda Dhexe iyo maamulada ka jira dalka.

Baaqan kasoo yeeray waxgaradka ayaa imaanaya xilli dalka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo khilaafaadyo siyaasadeed ay hareeyeen xiriirka Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada sida Jubaland.

Dad badan ayaa rumeysan in xasilooni darrada siyaasadeed ee haatan jirta ay dhaawici karto dadaallada dib u heshiisiinta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here