Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo La Kulmay Danjiraha Qatar, una Muujiyay Tacsi iyo Xoojinta Xiriirka Labada Dal

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarinta.

 

Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaaraha ayaa safaaradda Qatar la wadaagay dhambaal tacsi rasmi ah, oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u dirayso Dowladda iyo shacabka Qatar, kadib shil gaari oo naxdin leh oo ka dhacay dalka Masar, kaas oo sababay geerida saddex muwaadin Qatari ah iyo dhaawaca tiro kale.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar geeridii naxdinta lahayd ee ku timid muwaadiniintooda, kuwaas oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay meel u dhow magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Waxaan Alle uga baryayaa in uu u naxariisto intii dhimatay, kuwa dhaawaca ahna uu bogsiin degdeg ah siiyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale muujiyay sida ay Dowladda Soomaaliya mar walba garab ugu tahay Dowladda iyo shacabka Qatar, wuxuuna ammaanay kaalinta muhiimka ah ee Qatar ka qaadato taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee ay siiso Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labo geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo ay sii xoogeysanayaan iskaashiyada istiraatiijiyadeed ee dhinacyada kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here