Laba Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Cape Town 48 Saac Gudahood

0

Cape Town, Koonfur Afrika – Waxaa sii kordhaya weerarada lagu beegsanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan deegaanada magaalada Cape Town, kadib markii laba muwaadin lagu dilay muddo 48 saacadood gudahood ah.

Nuur Maxamed Mahdi, oo loo yaqaannay “Faroole”, ayaa lagu dilay deegaanka Khayelitsha, isagoo ku sugnaa goobtiisa ganacsi. Dilkaas waxaa geystay burcad hubeysan oo la sheegay inay u dhasheen dalka Koonfur Afrika.

Dilka Nuur ayaa yimid wax ka yar 24 saac kadib markii muwaadin kale oo Soomaaliyeed, Shool Maxamed Cadde, lagu dilay deegaanka Philippi. Shool ayaa ka mid ahaa dhalinyarada si weyn looga yaqiinay gobolka Western Cape.

Labadan dil ayaa qeyb ka ah weerarro isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsanayo ganacsiyada ay leeyihiin Soomaalida ku nool magaalooyinka kala duwan ee Koonfur Afrika.

Shalay galinkii dambe, laba muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku dhaawacmay weerar ay burcad hubeysan ka geysteen tuulada Nyanga oo ka tirsan Cape Town.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika ayaa cabsi xoogan ka muujinaysa xaalada amni-darro ee sii kordheysa, waxayna ugu baaqeen dowladda Koonfur Afrika in ay tallaabo degdeg ah ka qaaddo si loo ilaaliyo nolosha iyo hantida dadka ajnabiga ah.

Ilaa hadda, lama soo warin wax dad ah oo loo qabtay weeraradan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here