Soomaaliya iyo Turkiga oo hirgelinaya Heshiis Iskaashi oo Labada Dal Dhex Maray

0

Dooxa, Qatar – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed, ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Wasiirka Shaqada iyo Amniga Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işıkhan.

 

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray dhammaystirka iyo dhaqan-gelinta heshiis iskaashi oo horey loo gaaray oo u dhexeeya labada wasaaradood. Heshiiskan oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya bishii Luulyo 2025, ayaa ah hindise weyn oo lagu horumarinayo abuurista shaqooyin cusub, kordhinta fursadaha shaqo, iyo xoojinta awoodda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Saxiixa rasmiga ah ee heshiiska ayaa la filayaa inuu ka dhaco dalka Turkiga maalmaha soo socda.

Intii uu socday kulanka, labada wasiir waxay sidoo kale isla garteen in la qorsheeyo barnaamijyo tababbarro khaas ah oo loo qabanayo shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Barnaamijyadan ayaa lagu doonayaa in lagu kaashado khibradda iyo aqoonta Turkiga si loo xoojiyo kartida shaqaalaha iyo maaraynta adeegyada arrimaha bulshada ee Soomaaliya.

Wasiir Yuusuf Maxamed ayaa uga mahadceliyay Wasiir Işıkhan soo dhaweynta diirran, isagoo carabka ku adkeeyay sida Dowladda Turkigu uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here