SoDMA iyo Wasaaradaha Gargaarka Dowlad-Goboleedyada oo Qabtay Kulamo Diiradda Lagu Saaray Shirka Bini’aadannimada Soomaaliya

0

Muqdisho, 19 Oktoobar 2025 — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wasiirrada gargaarka dowlad-goboleedyada dalka.

 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii si habsami leh loo qaban lahaa Shirka Madasha Bini’aadannimada Soomaaliya, oo ah shir saddexdii biloodba mar la qabto, kaasoo xooga lagu saaro arrimaha bini’aadannimo ee dalka sida abaaraha, colaadaha, iyo isbeddelka cimilada.

Mas’uuliyiinta ayaa ku heshiiyeen in shirka soo socda lagu qabto magaalada Jowhar, caasimadda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, 10-ka Nofeembar 2025.

Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in kulanku yahay mid muhiim u ah isku dubaridka howlaha gargaarka iyo la dagaallanka musiibooyinka dalka, isagoo xusay in wada-shaqeyn xooggan lala yeelanayo hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah si loo yareeyo saameynta musiibooyinka iyo isbeddelka cimilada.

Dhinacyada ayaa sidoo kale isla meel dhigay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta iskaashiga iyo wada shaqeynta hay’adaha gargaarka si loo daboolo baahiyaha bulshada Soomaaliyeed loona hortago dhibaatooyinka soo food saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here