Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Sacuudiga si Loo Xoojiyo Iskaashiga Duulista iyo Gaadiidka

0

Riyaad – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux, oo socdaal shaqo ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Riyaad Wasiirka Gaadiidka iyo Adeegga Saadka Guud ee Boqortooyada, Mudane Saleh bin Nasser Al-Jasser.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka gaadiidka guud iyo duulista hawada. Labada wasiir ayaa si gaar ah uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la furo duulimaadyo toos ah oo joogto ah oo u kala goosha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid istiraatiiji ah, isla markaana lagu salaynayo dhisidda xiriir iskaashi oo waxtar u leh labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Sacuudiga.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isku raaceen in la dhiso guddi farsamo oo si wadajir ah uga shaqeeya hirgelinta heshiisyada iyo qorshayaasha kor loogu qaadayo xiriirka laba geesoodka ah ee dhanka gaadiidka iyo duulista.

Safarkan wasiirka iyo wafdigiisa ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga ganacsi, adeegga bulshada, iyo isu-socodka dadweynaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka saaxiibka la ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here