Saalax Axmed Jaamac oo Kormeer Shaqo Ku Sameeyey Wasaarado kala duwan

0

Muqdisho, Oktoobar 22, 2025 – Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay qaar kamid ah wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, si uu u qiimeeyo habsami u socodka howlaha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Wasaaradaha uu kormeeray waxaa kamid ahaa:

  • Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  • Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
  • Wasaaradda Batroolka
  • Guddiga Shaqaalaha Rayidka

Intii uu kormeerka socday, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa la kulmay wasiirrada iyo mas’uuliyiinta sare ee hay’adahaasi, waxuuna warbixin ka dhageystay ku saabsan xaadirinta shaqaalaha, fursadaha shaqo ee jira, caqabadaha ay la tacaalayaan, iyo qorsheyaasha horumarineed.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si joogto ah loo kormeero lana dardargeliyo shaqada dowladda, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan iyo hufnaan.

Waxuu si gaar ah u bogaadiyey dadaalka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo soo bandhigtay fursado shaqo-abuur ah, iyada oo xooga la saarayo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen fursado shaqo oo sugan.

Kormeerkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka hey’adaha dowladda, si adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed ay u noqdaan kuwo tayo leh, waxtarna leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here