Maxaa keenay in RW hore Maxamed Xuseein Rooble uu ka baaqdo Jabuuti?

0

JABUUTI – Dalka Jabuuti waxaa ku qulqulaya siyaasiyiin iyo madax sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb galaya xuska 25-guurada heshiiskii taariikhiga ahaa ee Carta.

 

Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, kama mid noqon mas’uuliyiintii halkaasi lagu soo dhoweeyay, inkasta oo uu ahaa shaqsiga dib u soo celiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Jabuuti xilligii uu xilka hayay.

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo badan, iyadoo dadka qaarkood ay is weydiinayaan in Dowladda Jabuuti ay ku abaal dhacday Rooble, ama haddii ka maqnaanshihiisu uu salka ku hayo arrimo shaqsiyadeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu xusuustaa dadaallo ballaaran oo uu ku bixiyay dib u soo hagaajinta xiriirka labada dal, gaar ahaan xilli ay jireen khilaaf diblomaasiyeed oo saameeyay wadashaqeynta Soomaaliya iyo Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here