BAYDHABO, Soomaaliya — Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu xoojinayo nabadda iyo isla xisaabtanka, ka dib markii ay soo kordheen eedeymo la xiriira dad lagu tuhunsan yahay inay hurinayaan colaadaha iyo aargoosiyada beelaha ku dagaallamaya gobollada maamulkaasi hoos yimaada.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-Heshiisiinta, ayaa sheegay in dowladda Koonfur Galbeed ay qaadayso tallaabooyin adag oo sharciga waafaqsan oo ka dhan ah dadka faafinaya hadallo naceyb ah ama abaabulaya rabshado keena dhiig-dhur.
“Ma oggolaan doono in qof ama koox ay khalkhal geliyaan dadaallada nabadeed ee socda. Cid kasta oo lagu helo inay hurinayso colaad ama kicin rabshado, waa in la marsiiyaa sharciga,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Maamulka ayaa sheegay inuu wada-hadallo nabadeed la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo culimada deegaanka, si xal waara looga gaaro isku dhacyada soo noqnoqda ee ka dhaca deegaanada Diinsoor, Berdaale iyo Qansaxdheere.
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyay in la gaaray heshiis hordhac ah oo lagu joojinayo dagaalladii dhowaan ka dhacay deegaanka Diinsoor ee gobolka Baay, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maal leh.
Wasaaraddu waxay sidoo kale ka digtay dad ku sugan meelaha ka baxsan goobaha colaadda, kuwaas oo baraha bulshada ku faafinaya fariimo kicin ah, iyadoo sheegtay in la aqoonsaday qaar ka mid ah, lana wado baaritaan rasmi ah.
“Dowladdu waxay ka go’an tahay ilaalinta nabadda, dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah, iyo la-dagaallanka kuwa ku hawlan burburinta xasiloonida bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka inay garab istaagaan dadaallada nabadeed ee socda, isla markaana ay si degdeg ah ugu soo gudbiyaan hay’adaha amniga cid kasta oo isku dayda inay dib u huriso colaadaha beelaha.



