KAMPALA, Uganda — Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay toddobaadyada soo socda Soomaaliya u direyso ciidan cusub oo qayb ka noqon doona Howlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si loo xoojiyo nabadda iyo amniga dalka.
Ku-xigeenka taliyaha ciidanka dhulka Uganda, Jeneraal Sare Francis Takirwa, ayaa khudbad u jeediyay guuto askar ah oo dhawaan u ambabixi doonta Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay muujiyaan anshax, wadaniyad iyo ixtiraam inta ay ku sugan yihiin howlgalka nabad ilaalinta.
“Ciidankiinnu waa inay mar walba ilaaliyaan midnimada Afrika iyo qiimaha nabadda, isla markaana ay muujiyaan edeb iyo wadaniyad,” ayuu yiri Takirwa.
Wuxuu sheegay in dirista ciidanka cusub ay qayb ka tahay dadaalka Uganda ee lagu xoojinayo hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, isla markaana lagu taageerayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Uganda ayaa ah dalka ugu weyn ee ciidamo ka joogaan Soomaaliya, waxaana askarteedu inta badan ka howl galaan koofurta dalka, halkaas oo ay ka wadaan hawlgallo lagu sugayo amniga iyo xasiloonida.



