Dooxa, Qatar – 5 Nofeembar 2025: Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdirixmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Horumarinta Bulshada iyo La-dagaallanka Gaajada ee Brazil, Mudane Wellington Dias, intii lagu guda jiray Shirweynaha 2-aad ee Horumarinta Bulshada ee ka socda magaalada Dooxa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu dhimayo saboolnimada, xoojinta nidaamyada ilaalinta bulshada, iyo ballaarinta fursadaha haweenka, dhallinyarada, iyo bulshooyinka barakaca, iyadoo la raacayo yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP 2025–2029).
Labada wasiir ayaa sidoo kale isla gartey in la xoojiyo is-weydaarsiga aqoonta, maalgashiga, iyo iskaashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay, si siyaasadaha horumarineed loogu beddelo natiijooyin la cabbiri karo iyo shaqooyin waxtar leh oo lagu horumariyo nolosha shacabka.
Wasiir Beenebeene ayaa xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Brazil uu leeyahay awood ballaaran oo lagu hormarin karo adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimada ay leedahay in la kobciyo iskaashi waara oo labada dal ah.




