Madaxweyne Isias Afwerki oo ka digay faragelinta shisheeye ee Badda Cas

0

Qaahira, 5 November – Madaxweynaha Eriteriya, Isias Afwerki, ayaa sheegay in dalalka Geeska Afrika ay leeyihiin masuuliyadda ugu weyn ee ilaalinta amniga Badda Cas, isagoo ka digay faragelin shisheeye.

 

Waraysi uu siiyay warbaahinta Masar oo socday in ka badan 20 daqiiqo, Afwerki wuxuu ka hadlay xiisadaha muddo dheer ka taagnaa Badda Cas iyo caqabadaha amni ee gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Suudaan Koonfureed.

“Soomaaliya waa dal leh 3,300 kiiloomitir oo xeeb ah, xeebtan dheer ee istaraatiijiga ah ayaa dalka ka dhigtay mid aan xasilloonayn,” ayuu yiri. “Dhibaatada Soomaaliya ma aha mid gudaha ah oo keliya, balse waa arrin goboleed iyo caalami ah.”

Wuxuu sidoo kale tusaale u soo qaatay Suudaan Koonfureed, isagoo xusay in kala qaybsanaanta qowmiyadeed iyo dagaallada sokeeye ay dalka burburiyeen.

Afwerki wuxuu carabka ku adkeeyay in dalalka xeebaha leh ay iyagu ka horeeyaan ilaalinta amniga marin-biyoodka. “Gobolku uma baahna quwado shisheeye; waa in dalalka xeebaha leh ay iyagu awoodaan inay ilaaliyaan biyahooda iyo marin-biyoodkooda istaraatiijiga ah,” ayuu intaa ku daray.

Madaxweynaha Eriteriya ayaa sheegay in sugidda amniga Badda Cas ay tahay waajib taariikhi ah oo wadajir ah oo saaran dhammaan dalalka xeebaha leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here