Midowga Yurub oo Xayiraado Cusub oo Dhanka Fiisaha ah ku Soo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliyeed

0

Brussels – Ururka Midowga Yurub ayaa si ku-meel-gaar ah u xaddiday bixinta fiisaha dal ku-galka ah ee la siin jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed. Go’aankan ayaa yimid ka dib qiimeyn la sameeyay, taas oo lagu ogaaday in dowladda Soomaaliya si fiican uga soo bixin wadashaqeynta ku aaddan dib u soo celinta muwaadiniinteeda sharci-darrada ku jooga waddamada Midowga Yurub.

 

Sida ku cad warqad kasoo baxday Midowga Yurub oo warbaahinta Shabelle heshay, dalalka Yurub waxaa laga mamnuucay inay muwaadiniinta Soomaaliyeed siiyaan fiisaha dhowrka jeer ee lagu galo, marka laga reebo madaxda iyo mas’uuliyiinta wata baasaboorka diblomaasiga iyo kan adeegga dowladda.

Intaas waxaa dheer, muddada caadiga ah ee lagu baaro codsiyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa si weyn loo kordhiyay, iyadoo laga dhigay 45 maalmood halka ay markii hore ka ahayd 15 maalmood oo kaliya.

Midowga Yurub ayaa caddeeyay in go’aankan uu yahay mid ku-meel-gaar ah oo aan lahayn muddo cayiman oo uu ku eg yahay. Ujeeddada ugu weyn ee tallaabadan loo qaaday ayaa ah in lagu cadaadiyo dowladda Soomaaliya si ay u hagaajiso wadashaqeynta ku aaddan dib u qaadashada muwaadiniinteeda sharcila’aanta ku jooga qaaradda Yurub, iyadoo Midowga Yurub uu si dhow ula socon doono hadba horumarka ay Soomaaliya ka sameyso arrintan.May be an image of text that says "Council of the EU PRESS EN Council Comtission, Somalia: Council restricts visa provision PRESS RELEASE EASE result, 25/06/2026 longer possible ISsUe temrporarly restrict provision Sorrali nationals. This decision follows an assessment the Somalia readmitting ite ineufficient. entry member states: nationels; Furthormore, standard applicants from Somalia suspension decision improve cooperation temporary and calendar come with apedific Commiseion continue Based data. assess objective to progress made. Somalia suspend rules, the Commission regularty assesses now onclusion given does applicationof provisions (background information) rules. readmiesion. Thebe cooperate sufficiantly- EUmay such CACEB, office- Council ofthe EU Rued Loi B-1048 BRUSSELS- 0)22 6319 ress@consillumeuro www.conellum.europa.eulpress"May be an image of text that says "Council of the EU PRESS EN Council Comtission, Somalia: Council restricts visa provision PRESS RELEASE EASE result, 25/06/2026 longer possible ISsUe temrporarly restrict provision Sorrali nationals. This decision follows an assessment the Somalia readmitting ite ineufficient. entry member states: nationels; Furthormore, standard applicants from Somalia suspension decision improve cooperation temporary and calendar come with apedific Commiseion continue Based data. assess objective to progress made. Somalia suspend rules, the Commission regularty assesses now onclusion given does applicationof provisions (background information) rules. readmiesion. Thebe cooperate sufficiantly- EUmay such CACEB, office- Council ofthe EU Rued Loi B-1048 BRUSSELS- 0)22 6319 ress@consillumeuro www.conellum.europa.eulpress"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here