Wasaaradda Batroolka oo Ka Digtey Macdan-baaris Sharci Darrada Ah oo Ay Ku Lug Leeyihiin Shakhsiyaad iyo Shirkado

0

Muqdisho — Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay kaga digtay macdaneysiga sharci darrada ah ee ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad iyo shirkado isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

 

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay muuqdeen falal sii kordhaya oo lagu baarayo macdanta dalka iyadoo aan la haysan ruqsadda sharciyeed ee dowladda, taas oo ay tilmaantay inay khatar ku tahay hantida qaranka, deegaanka iyo amniga guud ee dalka.

“Waxaan si cad u ogeysiinaynaa dhammaan dadka ku howlan macdan baarista in aan la oggolayn wax kasta oo ka baxsan nidaamka ruqsadaha rasmiga ah ee dowladda. Shaqsi kasta ama shirkad ku lug yeesha macdan-baaris sharci darro ah waxa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Wasaaradda.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa sheegtay in la kordhiyay kormeerka iyo dabagalka lagu samaynayo goobaha macdanta laga baaro, iyadoo la kaashanaysa hay’adaha amniga iyo maamulka dowlad-goboleedyada si loo joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo sharci-baxsan.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ka digtay in shirkadaha iyo shaqsiyaadka shisheeye ee ku lug yeesha arrintan ay wajahaan ciqaab adag oo heer qaran ah, waxayna ugu baaqday bulshada inay ka warbixiyaan cid kasta oo ku hawlan macdan-baaris aan sharciyeysneyn.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka iyo in macdanta Soomaaliya loo maamulo si hufan, sharci ah oo ka turjumaysa danaha bulshada iyo qaranka.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here