Kooxo hubeysan oo weerar ka fuliyay Muqdisho + Bartilmaameedka

0

MUQDISHO (SMN) –  Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya isku-day la doonayay in lagu khaarijiyo Hamdi Sharif Ali oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Labada nin ayaa mar qura rasaas huwiyay Mooto Bajaj (Tuk-Tuk) oo ay la socotay, inkastoo ay badbaaday Hamdi Sharif Ali oo ahayd bartilmaameedka weerarka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu meesha ka dhacay shil culus, isla-markaana Mootada Bajaj (Tuk-Tuk) ku dhacday gaari kale oo waddada marayay, kadib markii uu qalqalay darawalka, waxaana ka dhashay dhaawac, iyada si deg deg ah dhibanaha loola cararay isbitaalka , si loogu daaweeyo.

Weerarka lagu qaaday Hamdi Sharif Ali waxaa ka horreeyay hanjabaadyo kale oo uga imaanayay Al-Shabaab, waxaana kadib xigtay isku dayga dilka ah ee ay maanta ka badbaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here