Xasan Cali Kheyre oo Sheegay Inuu Markale Dagaallami Doono

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Hassan Ali Khaire, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu mar kale dagaallamo haddii lagu soo weeraro, kadib iska horimaad ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

 

Dagaalka oo muddo socday ayaa dhex maray ciidamada dowladda iyo ciidamada ilaalada mucaaradka, waxaana la sheegay in lagu soo afjaray wada-hadallo dhex maray mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga iyo Xasan Cali Kheyre.

Kheyre oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in isaga iyo odayaal dhaqameed ay ku jireen kulan markii ay weerar kala kulmeen ciidamada dowladda.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here