BRUSSELS, 23 Nofembar 2025 — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, intii lagu guda jiray Shirweynaha 4-aad ee Wasiiro ee EU Indo-Pacific oo ka socda Brussels.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba-geesoodka ah ee sii kordhaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan. Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyey xiriirka qoto dheer ee walaaltinimo, iskaashiga taariikhiga ah, iyo danaha wadajirka ah ee mideeya labada dal.
Wasiirradu waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la dedejiyo iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo dhismaha awoodaha hay’adaha — dadaallo ujeedkoodu yahay horumar waara oo ka faa’iideeya labada dal.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey ballan wadajir ah oo ku saabsan sii wadida wadahadalka iyo iskaashiga, iyo abuurnta fursado cusub oo kor u qaadaya iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan.




