Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka INTERPOL ee xoojinta iskaashiga amniga caalamiga ah

0

MARRAKECH, Morocco – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka qaybgalay Shirka 93-aad ee INTERPOL oo ka furmay magaalada Marrakech, kaas oo diiradda lagu saaray amniga caalamiga ah iyo xoojinta iskaashiga booliiska dalalka xubnaha ka ah.

 

Shirkan ayaa lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin ka hortagga dambiyada xudduudaha, la dagaallanka xarumaha khiyaanada (scam centers), kor u qaadista wadaagista xogaha, ballaarinta awoodaha booliiska caalamiga ah, iyo hirgelinta habraacyada casriga ah ee INTERPOL.

Wasiir Fartaag, oo khudbad ka jeediyay madasha, ayaa soo bandhigay baahida ay Soomaaliya u qabto in la xoojiyo kaalinteeda ku aaddan INTERPOL, lana ballaariyo iskaashiga amni ee caalamiga ah. Waxa uu xusay in Soomaaliya ay muhiim u tahay in ay hesho taageero farsamo, tababarro iyo qalabeyn casri ah oo kor u qaada awoodda hay’adaha amniga dalka.

Intii uu shirku socday, Wasiir Fartaag iyo Taliyaha INTERPOL ee Soomaaliya, General Maxamed Cali Dhoorre, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiir ku-xigeenka Amniga Dadweynaha ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Mr. Xu Datong.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, kobcinta iskaashiga amniga, tababarrada, qalabaynta, wada-shaqaynta, iyo dadaallada lagu xakameynayo argagixisada.

Shirka INTERPOL ee Marrakech ayaa soconaya dhowr maalmood, iyadoo Soomaaliya ay ka rajaynayso in uu horseedo iskaashi amni oo xooggan iyo taageero dheeri ah oo dhanka awoodda hay’adaha amniga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here