MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta galay maalintii saddexaad ee ka qaybgalka Shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka (IMO), oo ka socda magaalada London, caasimadda Boqortooyada Ingiriiska.
Shirkan oo ah mid kamid ah kulamada ugu muhiimsan ee lagu go’aamiyo siyaasadaha iyo amniga badda caalamka, ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin horumarinta dekedaha, badbaadinta maraakiibta, ka hortagga khataraha badda, iyo xoojinta sharciyada caalamiga ah ee la xiriira gaadiidka badda.
Wasiirka ayaa kulamo gaar ah la qaatay madax heer caalami ah, isagoo kala hadlay sida Soomaaliya iyo IMO ay u xoojin karaan iskaashiga ku saabsan:
- Amniga badaha Soomaaliya
- Horumarinta dekedaha dalka
- Dib-u-habaynta sharciyada iyo maamulka badda
- Ka hortagga burcad-badeedda iyo tahriibka badda
Wasiirka waxaa safarkan ku weheliya Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), Safiirka Soomaaliya ee UK, Cabdulqaadir Cabdi Xaashi, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda iyo Safaaradda.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale booqday xarumo muhiim u ah maamulka badaha Ingiriiska, halkaas oo ay xog-waraysi iyo tababarro farsamo ku saabsan nidaamyada casriga ah ee maareynta dekedaha ku qaateen.
Shirka 34-aad ee IMO ayaa la filayaa in dhowaan lasoo gabagabeeyo, iyadoo Soomaaliya ay ka rajeyneyso in laga taageero dadaallada ay ku hormarineyso dekedaha, baddeeda iyo kaabeyaasha muhiimka u ah dhaqaalaha dalka.




