Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Nairobi kaga qeybgalay madasha garsoorka Bariga Afrika

0

NAIROBI, Kenya — Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Bashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qeybgalay kullanka sanadlaha ah ee Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee Bariga Afrika, oo sanadkan lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Shirka, oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha hay’adaha garsoorka ee gobolka, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegga cadaaladda ee ku saleysan baahida shacabka, gaar ahaan nidaamyada ka baxsan dacwadaha maxkamadaha madaniga ah.

Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ayaa is dhaafsaday waayo-aragnimo, aragtiyo cusub iyo hal-abuur casri ah oo ku saabsan sidii loo ballaarin lahaa helitaanka cadaaladda, loona horumarin lahaa adeegyada garsoorka ee dalalka ku bahoobay Bariga Afrika.

Intii kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha guud ee haysta nidaamyada garsoorka ee gobolka, oo ay ka mid yihiin: la jaanqaadidda sharciyada, kor u qaadista wacyiga bulshada, dhisidda awoodda hay’adaha garsoorka, adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah, iyo joogtaynta nidaamyada cusub ee cadaaladda.

Sidoo kale, madashu waxay ka wada hadashay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga gobolka, iyadoo la qorsheeyay in la ballaariyo isdhaafsiga aqoonta, tababarrada wadajirka ah iyo booqashooyinka waxbarasho ee garsoorayaasha.

Ugu dambeyntii, waxaa lagu heshiiyay in la diyaariyo war-murtiyeed mideysan oo qeexaya mudnaanta, ballanqaadyada iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo cadaaladda ku saleysan baahida dadweynaha ee dalalka Bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here