WASHINGTON — Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Dagvin Anderson, ayaa soo gabagabeeyay qaybtii koowaad ee booqasho heer sare ah oo uu ku tagay Itoobiya, Somaliland iyo Puntland — maamullo uu ku tilmaamay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya — taasoo ujeedadeedu ahayd xoojinta iskaashiga amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.
Sida uu AFRICOM sheegay, safarkani wuxuu gudbiyay fariin cad oo ka dhan ah kooxaha xagjirka ah, isagoo muujinaya sida Washington ay uga go’an tahay taageerada la-hawlgalayaasha gobolka ee la-dagaallanka ISIS, Al-Shabaab iyo ururrada kale ee hubeysan, taasoo waafaqsan siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweynaha Donald Trump iyo tilmaamaha Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth.
“Waxaan halkan u nimid sababtoo ah waxaan wadaagno cadow caam ah,” ayuu yiri Gen. Anderson. “Gobolkan waan si wanaagsan u garanayaa, waxaana u joognaa inaan awood siino la-hawlgalayaasha Afrikaanka ah si wadajir ah uga hortagaan hanjabaadahan.”
Intii uu booqashada ku sugnaa, taliyaha Mareykanka ayaa la kulmay mas’uuliyiinta sare ee saddexda deegaan, iyadoo wadahadalladu diiradda saareen xoojinta iskaashiga, wadaaga mas’uuliyadda amniga, iyo isku dubaridka mudnaanta gobolka marka loo eego hanjabaadaha sii kordhaya.
Itoobiya, Anderson wuxuu la kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida ee Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, isaga oo ka wada hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka amniga ee labada dhinac.
Somaliland, wuxuu la kulmay Madaxweyne Abdirahman Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo ku sugan Hargeysa, sida uu AFRICOM shaaca ka qaaday, sidoo kalena wuxuu wadahadallo la yeeshay hogaamiyaasha militariga ka hor inta uusan u safrin Berbera si uu u qiimeeyo muhiimadda istiraatiijiyadeed ee dekedda iyo deegaanka amni.
Puntland, waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyas Cusman Lugatoor iyo saraakiisha amniga, isaga oo amaanay howlgallada Puntland ee ka dhanka ah unugyada hubeysan ee ku dhuumanaya Buuraha Golis.
“Markaan wajahno hanjabaadaha amni ee sii kordhaya — oo ay ku jiraan kororka falalka xagjirka ah ee Bariga Afrika, Sahel iyo xeebaha Galbeedka Afrika — iskaashiga wadajirka ah ayaa ka muhiimsan sidii hore,” ayuu yiri Anderson. “Wadajir, waxaan ka dhisi karnaa mustaqbal ammaan ah oo barwaaqo u horseeda Mareykanka, Afrika, iyo jiilalka soo socda.”
Washington waxay Afrika u aragtaa gobol muhiim u ah ammaanka caalamka iyo difaaca danaha Mareykanka, iyadoo adkaynaysa in xoojinta iskaashiga amni uu yahay tiir muhiim ah oo ka mid ah hawlgalka Mareykanka ee qaaradda.




