MUQDISHO — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka bulshada rayidka ah, iyagoo ka wada hadlay doorka kulansan ee bulshada rayidka ahi ku leedahay dhismaha dowladnimada, horumarinta maamul-wanaagga iyo xoojinta nabadda dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa ka-qaybgalka bulshada rayidka ah ee geeddi-socodka siyaasadda, la-dagaallanka musuqmaasuqa, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo ka shaqeynta nabad-waarta.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dhageysiga talooyinka bulshada iyo dhiirrigelinta door muuqda oo ay ku yeeshaan dadaallada lagu dhisayo hay’adaha dowladda.
Wuxuu xusay in wadashaqeynta dowladda iyo bulshada rayidka ahi ay lagama-maarmaan u tahay hormarinta dowladnimada iyo adeegyada shacabka.
Mudane Saalax ayaa uga mahadceliyay hoggaanka bulshada rayidka ah kaalintooda firfircoon, isaga oo ku boorriyay inay sii kordhiyaan wacyigelinta iyo u doodista arrimaha muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.




