ALGIERS, Algeria – Shirweynaha Afrika ee Shirkadaha Soo Koraya, oo sanadkan diiradda lagu saarayo taageerada shirkadaha hal-abuurka ee soo koraya, xoojinta isku-xirka dhijitaalka, hal-abuurka teknolojiyadda iyo dhismaha kaabayaasha ICT-ga ayaa si rasmi ah loogu soo xiray magaalada Algiers ee dalka Algeria.
Waxaa si gaar ah u qabsoomay Wadatashiga Heer-Wasiir (Ministerial Roundtable) oo ay ka qayb galeen wasiirrada isgaarsiinta iyo teknolojiyadda ee dalal badan oo Afrika ah, kuwaas oo ka wada hadlay mustaqbalka dhijitaalka ee qaaradda.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Soomaali, oo Soomaaliya ku metelayay shirka, ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin: istaraatiijiyadaha lagu xoojinayo isku-xirnaanta dhijitaalka ah ee Afrika, habraacyada amniga dhijitaalka iyo ilaalinta xogta, soo saarista siyaasado dhiirri-geliya hal-abuurka iyo ganacsiga ICT-ga, iyo kaabayaasha lagama maarmaanka u ah in Afrika u gudubto dhaqaalaha dijitaalka ku dhisan.
Shirkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta hal-abuurka teknolojiyadda iyo xoojinta iskaashiga dhijitaalka ee qaaradda Afrika.




