MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay bulshada Soomaaliyeed iyo bahda duulista dalka xuska Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Rayidka, isaga oo xusay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka sameysay maamulka hawada, amniga duulimaadyada, iyo isku xirka caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in maalintani ay fursad u tahay in la milicsado dadaallada waaweyn ee Soomaaliya ay ka gaartay dib-u-soo-nooleynta duulista rayidka, taas oo door muhiim ah ka qaadatay kobaca dhaqaalaha dalka, soo celinta xasilloonida, iyo muujinta awoodda qaranka ee dhisidda kaabeyaasha muhiimka ah.
Sanadkii 2023, Soomaaliya ayaa gaartay Heerka A ee Warlalisyada Duulimaadyada (Air Navigation Services), heerka ugu sarreeya ee caalamiga ah, taas oo ka tarjumaysa horumar ballaaran oo laga sameeyay badqabka, adeeg bixinta, iyo waafaqidda hab-raacyada ICAO.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sameysay xeerar caalami ah oo ku saabsan amniga duulista rayidka, kuwaas oo kordhiyey kalsoonida shacabka gudaha iyo tan caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday talaabooyin lagu casriyeynayo nidaamka socdaalka dalka, iyadoo bishii Sebtembar ee sanadkaan laga hirgeliyay Habka Ogolaanshaha Socdaalka (eTA).
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka, shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo caalamka, iyo dhammaan bahda ku hawlan horumarinta duulista dalka.




