Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay dublumaasiyiin shisheeye

0

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sii wada kulamada uu la leeyahay wakiillada diblumaasiyadda shisheeye ee fadhigoodu yahay dalka, isagoo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka ee Soomaaliya, Mudane Makhail Golovanov.

 

Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaruhu danjiraha uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarada laga gaaray dowlad-dhiska, baahinta adeegyada dowladda, iyo doorka sii kordhaya ee Soomaaliya kaga jirto arrimaha maslaxadda caalamka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ruushka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intaasi ku daray warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee abaaraha saameeyeen qaybo ka mid ah dalka, iyo tallaabooyinka iyo jawaabaha ugu habboon ee lagula tacaali karo xaaladahaas.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka, Mudane Makhail Golovanov, ayaa dhankiisa mahadcelin u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Dowladda Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay sida diirran ee xiriirka labada dal u socdo, isla markaana sheegay in Ruushku ka go’an tahay sii ballaarinta iskaashiga labada dhinac.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo soo bandhigay warbixinno ay ku jiraan tirokoobyo la xiriira xaaladaha bani’aadannimo, iyo sidoo kale Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale.

May be an image of the Oval Office, dais and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of the Oval Office, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here