Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u xustay Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, munaasabad qaran oo lagu qabtay caasimadda Muqdisho, isla markaana uu furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji.
Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa diiradda lagu saaray horumarrada muhiimka ah ee Soomaaliya ka gaartay xoojinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Waxaa halkaas lagu soo bandhigay guulo ay ka mid yihiin dib-u-soo celinta waajibaadka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha kadib ku dhowaad 30 sano, ansixinta sharciyo muhiim ah oo la xiriira xuquuqda aadanaha, iyo dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka.
Sidoo kale, munaasabadda sanadkan ayaa ku beegnayd sannad-guuradii 77-aad ee ka soo wareegtay aqoonsiga caalamiga ah ee Maalinta Xuquuqda Aadanaha sanadkii 1948-kii.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku biirtay 199 dal oo dunida ah oo xusaya maalintan, iyadoo mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay horumarinta, dhowrista, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha guud ahaan dalka.




