MUQDISHO — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay kulan la qaatay bulshada magaalada Muqdisho, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadku qaataan kaarka codeynta si ay uga qeyb qaataan doorashada qorshaysan inay dhacdo 25-ka bishan.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala), iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa bulshada u sheegay in kaarka codeynta uu yahay fure muhiim u ah ka qaybgalka doorashada, isagoo ku boorriyay in qof kasta oo xaq u leh codeynta uu hubiyo in uu haysto kaarka.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale tilmaamay in ka qaybgalka doorashada uu yahay waajib muwaadinimo, islamarkaana ay tahay fursad ay bulshada ku cabbiraan aragtidooda siyaasadeed isla markaana ku doortaan hogaanka dalka.
Masuuliyiinta ka qayb gashay kulanka ayaa sidoo kale uga digay faafinta wararka been abuurka ah iyo carqaladaynta habsami u socodka doorashada, iyagoo bulshada ku boorriyay inay raacaan habraacyada rasmiga ah ee dowladda.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo wacyigelinta doorashada iyo hubinta in muwaadiniintu si nabad ah uga qeyb qaataan habka dimuqraadiyadda.




