Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa adkeeyay muhiimadda taariikhiga ah ee ay leedahay 65 sano oo xiriir diblomaasiyadeed, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay saaxiibtinimo qoto dheer, ixtiraam madaxbannaani, is-fahan iyo iskaashi ku saleysan faa’iido wadaag.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in tan iyo aasaaskii xiriirka diblomaasiyadeed sanadkii 1960-kii, Soomaaliya iyo Shiinaha ay wada mareen marxalado kala duwan oo ay ku jireen isbeddello gobol iyo kuwo caalami ah, isla markaana Shiinaha uu mar walba ahaa saaxiib muhiim ah oo taageera mudnaanta Qaranka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u ammaanay taageerada dhowaan ay ku dhawaaqday dowladda Shiinaha, oo ah hal milyan oo doollar, taas oo loogu talagalay gurmadka degdegga ah ee shacabka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay, isagoo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa garab istaag dhab ah iyo saaxiibtinimo waarta.
Munaasabadda xuska 65-guurada ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, danjireyaal iyo wakiillo ka socda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, iyo marti-sharaf kale.




