Muqdisho — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Arbacadii magaalada Muqdisho kula kulmay Wasiirka Difaaca Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga iyo difaaca.
Wasiirka difaaca Jabuuti ayaa yimid caasimadda Soomaaliya si uu uga qeyb galo kalfadhiga 35-aad ee caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Difaaca iyo Amniga ee Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF).
Intii uu socday kulanka, labada wasiir ayaa yeeshay wadahadallo ballaaran oo diiradda lagu saaray kor u qaadista iskaashiga istiraatiijiga ah ee amniga iyo difaaca, iyo sidoo kale xoojinta wada-shaqeynta heer gobol si loo dardargeliyo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Jabuuti doorkeeda joogtada ah ee ay ka qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan ka qeyb-qaadashadeeda Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wuxuu ku tilmaamay doorka Jabuuti mid muujinaya taageero joogto ah iyo xiriirka walaaltinimo ee xooggan ee ka dhaxeeya labada dal ee deriska ah.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Yuusuf, iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada wafdi.




