Muqdisho — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ee Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Sulaymaan Dedefo Woshe.
Kulankan heerka sare ahaa ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah.
Mas’uuliyiintu waxay yeesheen wada-hadallo miro dhal ah oo lagu horumarinayo iskaashiga istiraatiijiga ah iyo sidii danaha labada dhinac looga wada shaqeyn lahaa gobolka.
Arrimaha ugu muhiimsan ee lagaga hadlay kulanka waxaa ka mid ahaa kordhinta wada-shaqeynta dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha, iyo sidoo kale xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo amniga gobolka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ku celiyay sida ay uga go’an tahay in si dhow uga wada shaqeeyaan xasiloonida iyo horumarka labada dal.




