Muqdisho — Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa ka hadlay shirweyne la filayo in maanta si rasmi ah uga furmo magaalada Kismaayo, kaas oo ay ka qeyb gelayaan xubnaha mucaaradka dowladda iyo madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.
Qoraal uu soo saaray wasiirka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba ka soo horjeedin in mucaaradku yeeshaan shirar ama isu-imaatin, isaga oo xusay in dowladda ay mar walba ixtiraamto xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta ee ku aaddan isu-imaatinka iyo shirarka.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba ixtiraamaysaa xuquuqda dastuuriga ah ee isu-imaatinka iyo shirarka, waana xaq uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Dowladda si buuxda ayay u dhowraysaa xaqaas, waana wax ka duwan wixii horey u dhici jiray,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.
Si kastaba, wasiirka ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ee ku sugan Kismaayo inaysan lahayn waayo-aragnimo ku filan oo ku aaddan qabashada doorashooyin hufan, isla markaana ay ka shaqeynayaan kala qeybin dalka.
“Qof aan lahayn dhaqanka qabashada doorasho hufan, ma noqon karaa mid ka hadla arrimaha doorashooyinka? Qof muddo afar sano ah ka shaqeynayay kala qeybsanaanta dalka, maanta ma ka hadli karaa mustaqbalka Soomaaliya?” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale sheegay in mucaaradku ay diidan yihiin in awoodda dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed iyo in la qabto doorashooyin qof iyo cod ah oo laga hirgeliyo goleyaasha deegaanka.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo maanta lagu wado in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir ay yeelanayaan xubnaha mucaaradka dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha la xiriira hanaanka doorashooyinka dalka.




