Golaha Wasiirrada oo Ka Wada Hadlay Doorashooyinka, Sharciyada iyo Horumarinta Waxbarashada

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, iyaga oo diiradda saaray doorashooyinka dalka, gaar ahaan kuwa golaha deegaanka ee bishan ka qabsoomi doona caasimadda Muqdisho. Kulanka ayaa goluhu meel-mariyey shuruuc iyo xeerar muhiim u ah dalka.

 

Goluhu waxa uu ka dhageystay warbixin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, oo ku saabsan diyaarinta doorashada golaha deegaanka, amniga goobaha codeynta, iyo tirada muwaadiniinta u diyaar ah inay codkooda dhiibtaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wasiirrada ku ammaanay sida wanaagsan ee ay bulshada ula xiriireen iyo dadaalkooda ku aaddan ololaha doorashada, isagoo ku booriyay in shacabka iyo dowladda ay si dhow u wada shaqeeyaan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyey wax ka beddelka sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, si loo xoojiyo nidaamka maaliyadeed iyo hufnaanta hey’adaha dhaqaalaha. Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka, oo lagu tayeynayo awoodda iyo waajibaadka hey’adaha amniga dalka.

Goluhu waxa uu dood adag ka yeeshay, isla markaana ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Sharciga Xuquuqda Carruurta iyo Hindise-sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska, kuwaas oo ujeedkoodu yahay horumarinta qoyska, ilaalinta xuquuqda carruurta, iyo dhismaha nidaam sharci oo dhammeystiran.

Labadan sharci ayaa soo maray hab-raacyadii xeer-dajinta, la tashiyo culimada ah, waxaana faahfaahin dheeraad ah golaha ka siiyay masuuliyiin ka socday xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Wasaaradda Dastuurka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey siyaasadda iyo xeerka Sanduuqa Qaranka ee Horumarinta Waxbarashada (NEDF), kaas oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka iyo maalgelinta lagu taageerayo ardayda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here