Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda waxay diyaay u tahay wadahadal iyo tanaasul siyaasadeed

0

Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ay u furan tahay wadahadal, is-afgarad iyo tanaasul lala yeesho hoggaamiyeyaasha mucaaradka, xilli shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu ka socdo magaalada Kismaayo.

 

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka Kismaayo ka socda laga filayo in uu kasoo baxo aragtiyo iyo fikrado wax-ku-ool ah oo ay wada qaadan karaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana lagu geli karo wadaxaajood.

“Waxaan leeyahay walaalaha Kismaayo jooga: haddii aad midoobaan oo aad heshiis gaartaan, soo bandhiga wax ay dadka Soomaaliyeed fahmi karaan,” ayuu yiri madaxweynaha. “Ma nihin kuwa idinka hor istaagaya inaad Kismaayo tagtaan, mana xirayno garoomo. La yimaada soo-jeedin ay dadku aqbali karaan, annaguna diyaar ayaan u nahay tanaasul.”

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in muddo ku dhow laba bilood ay socdeen wadahadallo siyaasadeed oo u dhexeeyay dowladda iyo xubno ka tirsan mucaaradka, kuwaas oo diiradda lagu saaray arrimo uu ku tilmaamay kuwo masiiri ah oo qaran. Wuxuu adkeeyay in is-oggolaanshaha iyo wada-qaadashada ay ka muhiimsan yihiin ku adkeysiga mowqifyo adag, isagoo ka digay in dalka lagu sii jiro ismari-waa siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in inkastoo siyaasiyiin qaar ay aqbaleen aragtida dowladda halka kuwo kalena ay diideen, haddana qodobadii lagu heshiiyay loo gudbiyay Baarlamaanka Federaalka ah si sharci ahaan loo eego loona dhaqan geliyo.

“Ma fahmayo caqliga ah in wax lagu heshiin waayo Hotel Jazeera ee Muqdisho, balse marka Kismaayo la tago si lama filaan ah loogu heshiiyo, xisbiyo la sameeyo, lana qaato mowqifyo go’an,” ayuu yiri.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka digay in murannada siyaasadeed ay isu beddelaan iska horimaad hubeysan, isagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan marna u dulqaadan doonin in khilaaf siyaasadeed uu noqdo mid rabshado wata.

“Haddii maalin hub la isku hanjabo, si walaaltinimo ah ayaa loo joojinayaa si loo ilaaliyo midnimada dalka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay in Soomaaliya aysan aqbali karin kalitalisnimo, balse ay sidoo kale u baahan tahay xasillooni siyaasadeed oo ku dhisan wadatashi, wadahadal iyo is-ixtiraam.

Hadalladan ayaa imanaya iyadoo shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay hormuud u yihiin siyaasiyiin mucaarad ah, uu kusoo dhamaaday Kismaayo, halkaas oo lagu falanqeeyay jihada siyaasadeed ee dalka iyo geeddi-socodka doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here