MUQDISHO — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku tilmaamay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha mid taariikhi ah, xooggan, isla markaana ku dhisan is-ixtiraam iyo iskaashi joogto ah tan iyo markii labada dal ay 65 sano ka hor yeesheen xiriir diblomaasiyadeed.
Wareysi gaar ah oo uu toddobaadkan siiyay telefishinka CGTN, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Shiinuhu uu ahaa saaxiib lagu kalsoonaan karo tan iyo xilligii hore ee xorriyadda Soomaaliya, isagoo xusay in mashaariic waaweyn oo kaabayaal ah oo Shiinuhu maalgeliyay ay weli u adeegaan shacabka Soomaaliyeed.
“Shiinaha wuxuu Soomaaliya taageerayay tan iyo sanadihii hore ee xorriyaddeenna. Isbitaallo, waddooyin iyo garoomo diyaaradeed oo Shiinaha ka qeyb-qaatay dhismayaashooda ayaa illaa maanta adeegaya,” ayuu yiri madaxweynaha.
“Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha marna ma yeelan hoos-u-dhac iyo kor-u-kac; wuxuu ahaa mid joogto ah oo socday.”
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay horumarka dhaqaale iyo teknoolojiyadeed ee Shiinaha, isagoo ku sababeeyay hoggaaminta Madaxweyne Xi Jinping, oo uu sheegay in uu dalkaasi ku hoggaamiyay barwaaqo iyo horumar ballaaran.
“Shiinaha waa tusaale ay dalal badan, gaar ahaan kuwa soo koraya iyo dalalka Afrika, ka baran karaan sida caqabadaha looga gudbo loona gaaro horumar waara,” ayuu yiri.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale iftiimiyay doorka sii ballaaranaya ee Shiinaha ee qaaradda Afrika, isagoo ku tilmaamay fursad weyn oo u furan Afrika iyo guud ahaan beesha caalamka. Wuxuu xusay in iskaashi ballaaran laga sameyn karo waxbarashada, amniga, beeraha, tiknoolojiyadda iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Dhanka waxbarashada, madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya mudnaan gaar ah siineyso tayeynta waxbarashada dadweynaha iyo tababarrada farsamada iyo xirfadaha (TVET), isagoo xusay in Shiinuhu door muhiim ah ka qaadan karo wareejinta teknoolojiyadda iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka iyo ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa Talaadadii u dabbaaldegay sanad-guuradii 65-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay xiriirkooda diblomaasiyadeed, iyagoo mar kale adkeeyay go’aankooda ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo ballaarinta xiriirrada faa’iido wadaagga ah.



