Booliska Soomaaliya oo ku dhawaaqay xayiraad dhaqdhaqaaq oo ka dhaqan gelaysa Muqdisho maalinta doorashada

0

MUQDISHO — Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay xayiraad dhammaystiran oo lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo isu-socodka guud ee magaalada Muqdisho, taas oo dhaqan geli doonta Khamiista, 25-ka Diseembar 2025, si loo xaqiijiyo amniga iyo badbaadada shacabka ka qayb qaadanaya doorashada golayaasha deegaanka ee caasimadda.

 

Go’aankan ayaa ka soo baxay kulan degdeg ah oo heer sare ah oo uu guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), kaas oo ay ka qaybgaleen madaxda waaxyaha, taliyeyaasha qaybaha iyo hoggaamiyeyaasha cutubyada gaarka ah ee booliska. Kulanka ayaa lagu dhammeystiray qorshaha amni ee maalinta doorashada.

Taliyaha ayaa faray saraakiisha sare in ay hirgeliyaan nidaam amni oo adag, isla markaana ay hubiyaan in shacabka si ixtiraam iyo fududeyn leh loogu oggolaado inay gaaraan goobaha codbixinta. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ujeeddada xayiraadda dhaqdhaqaaqa ay tahay in la abuuro jawi amni oo nadiif ah, si codbixiyeyaashu ay u gutaan waajibaadkooda doorasho iyaga oo aan cabsi qabin.

Sidoo kale, Taliye Asad Cismaan ayaa amray ciidamada in ay heegan buuxa ku jiraan maalintaas, kana hortagaan wixii falal amni darro ah oo wax u dhimi kara hannaanka doorashada.

Kadib kulanka amniga, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Dhexe Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa warbaahinta u sheegay in talisku uu tixgelin gaar ah siiyay baahiyaha bani’aadannimo. Wuxuu xaqiijiyay in la oggolaaday gaadiid gaar ah oo u adeegaya xaaladaha degdegga ah sida caafimaadka iyo baahiyaha lama huraanka ah ee shacabka inta ay xayiraaddu socoto.

Ciidamada amniga ayaa u arka diyaar-garowga 25-ka Diseembar mid aad u muhiim ah, maadaama doorashadani ay tahay dhacdo taariikhi ah oo calaamad u ah markii ugu horreysay in ka badan 50 sano oo shacabka Muqdisho ay si toos ah ugu codeynayaan hoggaankooda deegaan. Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay inuu si buuxda u heegan yahay si ay doorashadani ugu dhacdo si nabad ah oo hufan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here