NEW YORK — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii si aqlabiyad ah u cusbooneysiiyay muddada hawlgalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo loo kordhiyay hal sano oo kale.
Qaraarka, oo ay soo gudbisay Boqortooyada Ingiriiska, ayaa dhigaya in muddada AUSSOM ay socon doonto illaa 31-ka December 2026. Dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay ansixinta qaraarka.
Goluhu sidoo kale wuxuu go’aamiyay in dhammaan hawlgallada Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) la soo afjaro laga bilaabo 31-ka October 2026.
Ka dib codeynta, Ku-xigeenka Ergeyga Ingiriiska ee Qaramada Midoobay, Archie Young, ayaa soo dhaweeyay ansixinta qaraarka, isaga oo sheegay in doorka AUSSOM uu yahay “mid lama huraan u ah xoojinta xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.”
Young ayaa sidoo kale tilmaamay in qaraarka uu si cad u wajahayo caqabadaha dhaqaale ee haysta AUSSOM iyo yaraanta dareeraha maaliyadeed ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). Wuxuu sheegay in qaraarku abuurayo hannaan lagu sameeyo qiimeyn xog ogaal ah oo ku saabsan taageerada saadka ee Qaramada Midoobay ay bixiso.
“Si loo hubiyo in taageerada loo fidinayo Soomaaliya ay ahaato mid bartilmaameedsan oo wax ku ool ah, go’aannada Golaha Ammaanka waa in ay ku saleysnaadaan faham dhammaystiran oo ku saabsan duruufaha dalka ee AUSSOM laga hawlgeliyay,” ayuu yiri Young.
Tan iyo bishii July, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya AUSSOM iyo saaxiibbo caalami ah, ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, oo ah koox argagixiso oo xiriir la leh Al-Qaacida, kuna sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Al-Shabaab, oo in ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya, ayaa si joogto ah u beegsata ciidamada ammaanka, masuuliyiinta dowladda iyo shacabka rayidka ah.




