Madaxweyne Xasan Sheekh oo aqbalay wadahadal qaran, kana digay hanjabaadaha mucaaradka

0

Muqdisho, Dec 24 — Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadadii sheegay in dowladdu si rasmi ah u aqbashay baaqa mucaaradka ee ku aaddan wadahadal qaran oo la xiriira doorashooyinka 2026 iyo dib-u-eegista dastuurka dalka, isagoo isla markaasna ka digay siyaasad ku dhisan hanjabaad.

 

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ololaha Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ka dhacday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee ka soo baxay shir saddex maalmood socday oo mucaaradku toddobaadkii hore ku yeesheen Kismaayo uu ahaa dalabka furitaanka wadahadal.

“Waxaan ka qaadanay hal qodob natiijooyinkii shirka Kismaayo, waana in wadahadal la furo. Albaabka wadahadalku waa furan yahay, wuxuuna ka furan yahay xafiiska Madaxweynaha. Dowladda si rasmi ah ayay uga jawaabtay codsigaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa imaanaya kadib markii xubno mucaarad ah oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay Sabtidii soo saareen bayaan ay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu isugu yeero dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka ugu dambeyn 20-ka Janaayo 2026, si heshiis looga gaaro hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Mucaaradku waxay ka digeen in haddii baaqooda la tixgelin waayo, ay qaadi doonaan waddooyin siyaasadeed oo kale, si looga hortago firaaq dastuuri ah iyo xasillooni darro hor leh.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan marnaba ka soo horjeedin wadahadal iyo heshiis qaran, balse ay si cad uga soo horjeeddo, sida uu yiri, “siyaasad ku dhisan is-muujin iyo hanjabaad.”

Hadalkan ayaa muujinaya isku day ay dowladdu ku doonayso inay ku dejiso xiisadda siyaasadeed ee sii kordheysa, xilli ay Soomaaliya u diyaargaroweyso doorashooyinka 2026 iyo dhameystirka dastuurka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here