MUQDISHO – Dunida oo dhan ayaa maanta si gaar ah indhaha ugu heysa doorashada golayaasha deegaanka ee ka socota caasimadda Muqdisho, taas oo ah tii ugu horreysay ee muddo dheer ay shacabka si toos ah uga qeyb qaataan.
Wasiirka Howlaha Guud ee XFS, Ayuub Ismaaciil, ayaa sheegay in muhiimadda doorashadan ay dhaaftay xuduudaha dalka.
“Dunidu maanta waxay indhaha ku heysaa doorashada ka socota Muqdisho,” ayuu yiri wasiirku, isagoo xusay in hanaanka doorashadu yahay mid taariikhi ah, isla markaana laga filayo inuu xoojiyo ka qeybgalka shacabka iyo kalsoonida nidaamka dowladnimo.



