Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa Maanta ku dhawaaqay in Israa’iil si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, taasoo ah tallaabo diblomaasiyadeed oo weyn oo saameyn ku yeelan karta Geeska Afrika.
Bayaan uu soo saaray xafiiska Netanyahu ayaa lagu sheegay in Israa’iil iyo Somaliland ay kala saxiixdeen heshiis wadajir ah oo rasmi ka dhigaya aqoonsigaas. Wuxuu xusay in heshiiskaasi uu la jaanqaadayo Heshiisyada Abraham ee uu hormuudka ka ahaa Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee Israel loogu xalaaleynayo dhulka Falastiin.
“Aniga oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan saxiixnay bayaan wadajir ah oo taariikhi ah,” ayuu yiri Netanyahu. “Tani waa tallaabo muhiim ah oo ku saleysan iskaashi, nabad iyo xasillooni.”
Netanyahu ayaa aalada fogaan-araga kula hadlay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), isagoo ku ammaanay hoggaamintiisa iyo dadaallada uu ku doonayo nabad iyo xasillooni. Waxa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland u fidiyay martiqaad rasmi ah oo uu ku booqdo Israa’iil 2026.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu intaa ku daray in Israa’iil ay si degdeg ah u ballaarin doonto xiriirka ay la leedahay Somaliland, iyadoo iskaashi laga sameyn doono beeraha, caafimaadka, tignoolajiyada iyo horumarinta dhaqaalaha, wuxuuna u rajeeyay shacabka Somaliland “guul, barwaaqo iyo xorriyad.”
Dhankiisa, maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyay aqoonsiga, oo ku yimid kulamo dhex maray Madaxweyne Cirro iyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu.
“Aqoonsigan taariikhiga ah ee ay bixisay Dowladda Israa’iil wuxuu furayaa cutub cusub oo ku saabsan iskaashi caalami, amni, dhaqaale, tignoolaji iyo diblomaasiyadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo lagu daray in tallaabadan ay xoojin doonto doorka Somaliland ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika,’ ayuu yiri Cirro.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991, balse illaa hadda ma helin aqoonsi caalami ah oo buuxa. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa la filayaa inay ka soo saarto bayaan rasmi ah tallaabada ay Israa’iil ku dhawaaqday. Israel ayaa doonaysa inay Berbera ka sameysato saldhig ay ka weerarto Xuutiyiinta Shiicada dalka Yemen.




