Weerar Qaraxyo ku Billowday oo ka Dhacay Wargaadhi, Danab oo Sheegay inay Fashiliyeen

0

JOWHAR – Ururka Al-Shabaab ayaa saaka weerar qaraxyo ku billowday ka fuliyay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa lagu beegsaday saldhig ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab, gaar ahaan cutubka 164aad.

 

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab ayaa sheegay in ciidamadu si guul leh uga hortageen weerarka, kaddib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay, ayna fashiliyeen ujeeddadii Al-Shabaab.

Waxa ay intaas ku dareen in xaaladda amni ay haatan degan tahay, inkastoo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha aan weli la shaacin.

Al-Shabaab ayaa sanadkii 2024 la wareegtay degmada Aadan Yabaal oo isla gobolka ka tirsan, iyadoo sidoo kale qabsatay deegaano kale. Tallaabadan ayaa kooxda u sahashay inay qorsheyso oo ay fuliso weerarro culus oo ka dhaca gobollada dhexe ee dalka.

Ciidamada ammaanka ayaa wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannada ku dhow Wargaadhi, si looga hortago weerarro kale oo suurtagal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here