Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Gorgor

0

MUQDISHO — Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Gaas Odawa Yuusuf Raage, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee Gorgor, kuwaas oo tababar ku qaatay Kulliyadda Tababbarka Ciidamada ee TURKSOM.

 

Ciidamadan ayaa qaatay tababar ciidan oo adag, kaas oo diiradda lagu saaray kordhinta diyaargarowga, xirfadaha dagaalka, iyo tayada howlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda, Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan talisyada Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo xusay in diiradda la saarayo dhisidda ciidan awood leh, xirfad sare leh, isla markaana u heellan difaaca qaranka.

Wasiirka ayaa ciidamada qalin-jabiyay faray inay si buuxda u gutaan waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dalka, isla markaana ay door muuqda ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ee dalka.

Intii ay munaasabadda socotay, ciidamadu waxay soo bandhigeen xirfado kala duwan oo ay barteen muddadii tababarka, oo ay ka mid ahaayeen adeegsiga hubka, xeeladaha dagaalka, iyo farsamooyinka is-difaaca, taas oo muujisay heerka sare ee tababarka ay qaateen.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ciidan iyo kuwo rayid ah, oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Odawa Yuusuf Raage, Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka, G/le Sare Axmed Ise Axmed, Taliyaha TURKSOM S/Gaas Sebahattin Kalkan, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, taliyayaasha Ciidamada Cirka iyo Badda, iyo marti sharaf kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here