In ka Badan 20 Dal iyo Ururro oo Cambaareeyay Booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil uu ku Tegay Somaliland

0

 MUQDISHO – Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indonesia, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Boqortooyada Urdun, Dowladda Kuwayt, Dowladda Liibiya, Jamhuuriyadda Maldives, Jamhuuriyadda Nayjeeriya, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Baakistaan, Dowladda Falastiin, Dowladda Qatar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Yemen, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),

 

Dhammaan dowladaha iyo ururradan ayaa si adag u cambaareeyay dhaq-dhaqaaqyada Israa’iil, gaar ahaan booqashadii sharci-darrada ahayd ee uu masuul Israa’iili ah 6-dii Janaayo 2026 ku tagay gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay ku tilmaameen tallaabadaas xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda, isla markaana ah fal si toos ah u wiiqaya shuruucda caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Dowladahani waxay mar kale si cad u xaqiijiyeen taageeradooda buuxda ee aan shaki ku jirin ee ku aaddan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale ku bogaadiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay ka-qaybgalka dadaallada caalamiga ah ee nabadda, adeegsiga diblomaasiyad wax-ku-ool ah, iyo u hoggaansanaanta mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Ugu dambayn, dowladahani waxay carrabka ku adkeeyeen inay si buuxda garab ugu taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya go’aankeeda ku aaddan ilaalinta midnimada qaranka iyo difaaca madax-bannaanida dhulkeeda.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here