MUQDISHO, Soomaaliya — Boqolaal dadweyne ah ayaa habeenkii Khamiista isugu soo baxay magaalada Muqdisho si ay u muujiyaan cambaareyn xooggan oo ku aaddan go’aan ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyagoo ku dhawaaqayey heeso wadani ah ayna lulaynayeen calanka Soomaaliya.
Dibadbaxayaasha ayaa ku tilmaamay tallaabada Israa’iil mid khatar ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Tanina waxay ka dambeeyeen booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ku tagay Hargeysa, caasimadda Somaliland. Dadkan isugu yimid isgoyska Taleex ee Magaallada Muqdisho waxay si cad u adkeeyeen inaysan aqbali doonin isku day kasta oo lagu beddelayo xuduudaha ama lagu aqoonsanayo qeyb ka mid dhulka soomaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fariin telefishan laga sii daayay ku cadeeyay inay Soomaaliya tahay dal aan la kala goyn karin.
“Waxaan mar kale caddeynayaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo mid ah,” ayuu yiri, isagoo ku adkeeyay in go’aan kasta oo Israa’iil qaadato uusan waxaa ka beddeli karin dhulka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaana ka digtay in aqoonsi caalami ah oo la siiyo maamulkaasi uu sababi karo xasilooni-darro ka dhalata Geeska Afrika.
In ka badan 20 dal iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si rasmi ah u diiday go’aanka Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay mid jabinaya sharciga caalamiga ah, madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Qaar kamid ah dalalka gobolka ayaa weli ka aamusan arrintan.




