MUQDISHO – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay qoraal uu baahiyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, kaas oo ay ku tilmaamtay “been-abuur ceeb ah”.
Safaaradda ayaa sheegtay in qoraalka uu wasiirku baahiyey — oo lagu sheegay in booqashadii wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ee Muqdisho loo baajiyey sababo amni — uu yahay mid la dhoodhoobay oo qayb ka ah ololaha lagu faafiyo wararka beenta ah.
“Wax kasta oo aad samaysaan, marnaba ma beddeli kartaan xaqiiqada ah in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya,” ayay tiri safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.
Illaa hadda dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya wax fahfaahin ah kama bixin baaqashada Safarka Wasiira Arrimaha dibadda oo shalay la filayay inuu Caasimadda dalka yimaado.
Wasiir Khadar Xuseen Cabdi ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo yiri: “Soomaaliya xataa ma dammaanad qaadi karto amniga martideeda. Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu xoogga saaraa xasilinta magaaladiisa halkii uu ku mashquuli lahaa Somaliland.”
Arintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu aad u kacsan yahay loolanka gobolka ka jira, iyadoo Israel dhawaan ku xad-gudubtay madax-bannaanida, iyadoo maamulka Somaliland u aqoonsatay dalka madax-banaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in warqad uu qoray Netanyahu aan lagu kala goyn karin dalka, islamarkaana ictiraaf siin karin Somaliland maamul kale oo aan ictiraaf haysan.




