New Delhi – Dowladda Hindiya ayaa si cad oo adag uga hortimid go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo si buuxda u taageertay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in mowqifka Hindiya uu yahay mid ku dhisan mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo ixtiraamka madaxbannaanida dalalka.
Randhir Jaiswal ayaa xusay in Hindiya iyo Soomaaliya ay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah, isla markaana New Delhi ay mar walba taageersan tahay midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.
“Waxaan si joogto ah u adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal.
Mowqifka Hindiya ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan falcelinnada caalamiga ah ee ka dhashay tallaabada Israa’iil, taas oo ay dalal iyo ururro badan ku tilmaameen mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee la xiriira midnimada Soomaaliya.




