Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha oo dib u dhigay booqashadii uu ku iman lahaa Soomaaliya

0

  Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa dib u dhigay Booqasho qorshaysnayd oo uu ku iman lahaa Soomaaliya, taas oo noqon lahayd Booqashadii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Shiine ah uu ku tago Soomaaliya tan iyo 1980-meeyadii.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in sababta dib u dhaca booqashada la shaacin doono waqti dambe, iyaga oo aan bixin faahfaahin dheeri ah.

Wang Yi ayaa haatan ku guda jira safar rasmi ah oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Afrika, kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga ganacsi iyo istiraatiiji ee u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Safarkiisa Afrika ayaa waxaa ku jira booqashooyin uu ku tagayo Itoobiya, Tansaaniya, iyo Lesotho, waxaana la filayaa inuu socdo ilaa 12-ka Janaayo.

Dib u dhaca booqashada Soomaaliya ayaa imanaya xilli Shiinaha uu sii ballaarinayo doorkiisa siyaasadeed, dhaqaale iyo mid istiraatiiji ee qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here